Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo ah Ku qaaday Ciidanka Dowladda.

Muqdisho ( Hbn tv)-Faah faahino ka soo baxaya qaraxyo ku billaawday weerar oo lagu qaaday degaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubnada Hoose.

Saakay Xilli hore ayaa Kooxda Al- shabaab waxay weeraro kala duwan ku qaadeen Saldhigo Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaano hoos taga gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan halka deegaanka Jannaay Cabdalla halkaas oo ku sugnaayeen Ciidaanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Deegaanka Jannaay Cabdalla ayaa 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo, waxana gacanta ku hayay Ciidanka Faderaalka Soomaaliya.

Lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas, balse Ururka Al-shabaab ayaa baraha Internet-ka ku daabacay in gaadiid dagaal ka furta Ciidanka dowladda, balse si iyaga ka madax banaan loona xaqiijin oo aan ka aheyn sheega-shadooda.

Dhankale Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa laga sio xigtay in weerar ay soo qaadeen Al-shabaab ay iska caabbiyeen, haddana ay waddaan howl-gallo kala duwan oo deegaanka ah.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed