Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa xalay degmada Shibis ku dilay sarkaal ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Dableyda dilka geysatay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday dilka kadib.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab, waxaana uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow.
Kooxaha dilka geystay oo aan heybtooda la garan ayaa ku hubeysnaa Bastoolado, waxaana la sheegay in ay beegsadeen Marxuumka la dilay kadibna ay goobta isaga baxsadeen sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Ciidamada amaanka ayaa durba goobta soo gaaray waxaana ay baaritaano kooban ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Shibis oo uu dilku ka dhacay, waxaana ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan howlgalada.
Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay sheegatay mas’uuliyadda dilka Cali Cumar Gaab oo horay uga tirsanaan jiray maamulka Koonfur Galbeed.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadan iyo sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ku aadan dilka marxuumka.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto amniga, waxa uuna ballan qaaday in uu xoogga saari doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasilooni.
HBN NEWS DESK