AL-shabaab oo laga saaray degmo ay xakumayeen in ka badan 10 sanno

Ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwa Jubaland oo kaa shanaya Ciiidamada Nabad Ilaalinta ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya ayaa gacanta ku dhigay degmada Xagar oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kadib howgal xooggan oo ku dhacay degmadaasi iyo deegaanno ka tirsan gobolka.

Saraakiisha hoggaamineysay howgalka ayaa sheegay in si nabad ah ay kula wareegen degmada Xagar, waxana iskaga baxay Al-shabaab markii ay ka war heleen in ay ku soo wajahan yihiin ciidamo hubeysan, Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan howgalladaan Shabaab looga xorreynayo gobolka, haatana ay wadaan howlgallo ammaanku laga sugayo.

Xagar waa mid kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee Al-shabaab ay ka talinayeen 10 sanno ee la oo dhaafay, waxayna ku lahaayeen saldhigo iyo fariisimo waa weyn, balse dagaal aan dhiig ku dadaadan ayaa looga saaray.

Warkaan ayaa imaanaya, iyada oo saakay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in 40 dagaal yahan oo ka tirsan Ururka A-shabaab ay ku dileen deegaanno ka tirsan degmada Afmadow, halkaasna ay ku burburiyeen fariisimo ay laheyd koodu.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed