Al-shabaab oo gacanta ku dhigay 60% gobolka Mandheera ee dalka Kenya.

Maamulka gobolka Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegay in 60% kooxda Al-shabaab ay ku dhigeen deegaannada gobolkaas, asiga oo sheegay in khatar xooggan oo dhanka ammaanka ah ay  jirto.

Guddoomiyaha gobolka Mandera Maxamed Aadan Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in joogitaanka Al-shabaab ee gobolka ay saameyn tabban ku yeelay adeegyaddii iyo shaqadii kala duwaneed ee gobolka.

Warkaan ayuu ka sheegay kulan looga hadlayay ammaanka gobolka oo Mandheera Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waa uu xusay in ay soo bateen muddooyinkii dambe falalka amni darro ee Al-shabaab ay ka geysanayaan qeybo kamid ah gobolkiisa.

Madaxda iyo hey,addaha amniga  ayuu ugu baaqay inloo istaago sidii looga hortagi lahaa weerarada argagixisada, shir looga hadlayay amniga ayaa waxaa qeyb ka ahay Guddoomiyaasha gobollada iyo saraakiil sirdoon, kuwaas oo dul istaagay halista xooggaan ee ku saabsan ammaanka dalkaas.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayay weerarada Al-shabaab ay geystaan xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxana ku dhintay dad shacab ah iyo Askar kala duwan oo Kenyaan ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed