Akhriso: Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay loogana hadlay arrimo xasaasi ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo x shir guddoominayay shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dhameystirka ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo istaraatiijiyadaha amniga ee xilliga AMISOM.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda ugu sareysa hay’adaha amniga ayaa diiradda lagu saaray sidii si tartiib-tartiib ah loo dhimi lahaa ciidamada caalamiga ah ee wata astaanta AMISOM, isla markaana mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Ka bixitaanka ciidamada AMISOM ayaa waxaa socda wadahadalo lagu xaqiijinayo is bedelka wanaagsan iyo xoojinta awooda ciidamada amaanka Soomaaliya si ay si hufan u ilaashadaan xasiloonida iyo la dagaalanka qataraha amaanka si madax banaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu kulanka socday ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay hirgelinta istaraatiijiyad dhameystiran oo lagu maareynayo hubka iyo rasaasta Qaranka.

Qorshahan istiraatijiyadeed ayaa ujeedadiisu tahay in lagu xakameeyo haysashada iyo isticmaalka hubka iyo rasaasta guud ahaan qaranka, si kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo in la yareeyo khatarta hubka sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaqa ah in la dhaqangaliyo istiraatiijiyadda maareynta hubka iyo rasaasta qaranka ay muujineyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta haykalka amniga iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed