Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhammaan warbixinnada hanti dhowrka ee mashaariicda uu maalgeliyo Bankiga Adduunka lagu guuleystay in lagu soo gudbiyo muddadii loo kordhiyay. Horumarkan ayaa yimid ka dib digniin culus oo ka timid Bangiga Adduunka ee ku saabsan khatarta la xiriirta warbixinnada dib u dhaca, taasoo hoosta ka xariiqday inay lama huraan tahay in la qaado tallaabo degdeg ah oo lagu ilaalinayo mashaariicda muhiimka ah.
Shalay ayay aheyd markii Bankiga Adduunka uu soo saaray digniin adag, isagoo soo jeedinaya cawaaqibka ka dhalan kara dib u dhaca warbixinaha hanti dhowrka ee dowladda Soomaaliya. Digniintu waxay ku nuuxnuuxsatay in haddii Soomaaliya ay ku guul-darreysato inay bixiso warbixinnadan ay “caqabad ku noqon karto mashaariicda hadda iyo mustaqbalka ee uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.
War-murtiyeedka ayaa lagu ammaanay Wasaaradda Maaliyadda, Isu-duwayaasha Mashaariicda, iyo Baanka Adduunka oo si gaar ah isaga kaashanaya soo saarista warbixinahaas.
Axmed Guutaale, Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ku celiyay muhiimadda ay leedahay guushaan la gaaray. Wuxuu tilmaamay dadaallada wadajirka ah ee suurta geliyey guushan la gaaray, wuxuuna carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka lagu maamulayo dhaqaalaha loo qoondeeyay mashaariicda horumarineed.
Soo gudbintan lagu guuleystay ee warbixinnada hanti dhowrka lagu sheegay wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya, Bangiga Adduunka iyo daneeyayaasha kale ee horumarinta ajendaha horumarinta dalka.
HBN NEWS DESK