Agaasimaha NISA Oo Ka Hadlay Dagaalada Beelaha Hirhabeelle Iyo Isbaarooyinka Soona Saaray Baaq iyo Digniin

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa walaac ka muujiyay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka faraha badan, isagoona carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo helo nabad iyo wada jirka beelaha.

Agaasimaha ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday xuduuda gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo ka sheekeeyay colaada u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee wada dega deegaanadaasi. Waxa uu ku nuux-nuux saday in aan shaqsi ama mas’uul Soomaaliyeed aan loo heyn mas’uuliyadda dhacdooyinkan nasiib darrada ah, isagoo tusaale u soo qaatay caqabadaha ballaaran ee bulshada haysta.

Arrinta isbaarooyinka ayuu agaasimaha u gudbiyay mowqifka dowladda federaalka, isagoo sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan sii socoshada isbaarooyinka yaalla deegaannada maamulka Hirshabeelle. Waxa uu sheegay in inta badan Isbaarooyinkaasi ay yaalaan Gobolo gaar ah oo aan loo isticmaalin qaab qabiil.

Hadalkan ayuu Agaasimaha ka sheegay kulan lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ku yaala xuduuda sida Moqokori iyo Aadan Yabaal, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xasan Cali Nuur Shuute iyo Taliyaha Ciidanka Macaawsleyda Cali Jayte Cismaan.

Munaasabadda ayaa noqotay gogol wada-hadal iyo wada-shaqeyn, iyadoo dib loo xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay mas’uuliyiinta iyo madaxda bulshada Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan sababaha keenay colaadaha iyo horumarinta qorshayaasha nabadeynta ee dalka oo dhan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed