Agaasimaha Hey’adda NISA oo qaaday tallaabooyin culus isla markaana sameeyay xil-ka-qaadisa iyo magacaabis kala duwan

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa qaaday tallaabooyin culus, isla markaana isbeddel ku sameeyay taliyaasha  hey’adda, kaasoo shaaciyay xil ka qaadis iyo magacaabis kala duuwan.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa Taliyaha hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir u magacaabay C/fataax Shaaweeye, waxaana xilkaas horay u hayay Muxiyaddiin Warbac, kaasoo la dalacsiiyay, loona magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda NISA.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay Cabdulqaadir Xaayow, waxaana xilkaas laga qaaday Gaashaanle Sare Xamdi Xarawo oo dhowaan uun uu dalacsiiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadaan waa tii ugu horreysay ee uu qaado Agaasimaha Cusubee  Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kaasoo dhawaan loo magacaabay xilkan, oo labadii sano ee la soo dhaafay uu haya Mahad Maxamed Salad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed