Si wax looga qabto dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya, NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe waxa uu soo saaray baaq ku aadan midnimada beelaha Somaliyeed. Sanbaloolshe oo ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee qabaa’ilka iyo isbaarooyinka kusoo badanaya gobolka ayaa sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin iyo dadaalo nabadeed.
Sanbaloolshe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedyada ka dhex dhaca beelahaasi, waxa uuna tilmaamay in beelahaasi ay yihiin kuwo laga xumaado, waxa uuna carabka ku dhuftay inaanu jirin hogaamiye Soomaaliyeed oo ku heshiiya colaadahaasi. Waxa uu hoosta ka xariiqay in cadowga guud ee qaranka soo foodsaaray, isagoo carabka ku adkeeyay in kala qeybsanaanta gudaha ay kaliya ku wiiqeyso awooda guud ee Soomaaliya.
Sanbaloolshe oo la hadlay waxgaradka iyo qeybaha bulshada ayaa kula dar daarmay in ay iska kaashadaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa, loona joojin lahaa dagaallada socda. Wuxuu ku baaqay doorka muhiimka ah ee nabadda ay ku leedahay fududeynta horumarka iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah ee ay saameeyeen colaadaha.
Sidoo kale, Sanbaloolshe ayaa daboolka ka qaaday mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadan baabi’inta isbaarooyinka qabaa’ilka ee yaalla deegaanada maamulka Hirshabeelle, isagoo si gaar ah u sheegay in loo baahan yahay in la dhimo ballaarinta deegaanada maamulka.
Wuxuu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay fulinta tallaabooyinka looga golleeyahay ciribtirka caqabadaha aan loo baahnayn iyo xaqiijinta isu-socodka xorta ah ee dhammaan muwaadiniinta.
Sanbaloolshe oo ka hadlayay go’aanka dowladda ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu sii dhamaanayo waqtigii isbaarooyinka qabaa’ilka Hirshabeelle, taasi oo muujineysa in isbedel weyn lagu sameyn doono is dhexgalka iyo wada jirka. Waxa uu ugu baaqay beelaha in ay la jaan qaadaan hiigsiga dowladda, isla markaana ay si firfircoon uga qeyb qaataan xaqiijinta nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.
HBN NEWS DESK