AFRICOM oo ka hadashay inay kaalin ku lahayd weerarkii cirka ah oo dowladda Soomaaliya ay ka fulisay Puntland oo ku sheegtay in lagu dilay20 AS ah

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa beeniyay in ay ku lug lahaayeen howlgalkii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen buuraha Caalmadow ee gobolka Sanaag, sida lagu sheegay farriin qoraal ah oo ay VOA u dirtay kaddib su’aalo la xiriira sida ay wax u dhaceen.

26-kii May, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay dileen in ka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan saddex horjooge oo muhiim ah, kadib weerar ka dhacay Buuraha Calmadow. TV-ga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad doonayay in ay weerar geystaan, tiro kalena lagu dhaawacay.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa diiday sheegashadan maalintii xigtay. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ciid Dirir, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku hayaan, isla markaana aysan Dowladda Federaalka awood u lahayn inay halkaasi ka fuliso howlgalladaasi. Waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan qaraxyo balse waxa uu beeniyay war ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku aadan in howlgalkaasi ay ka dambeeyeen.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku beenisay war ka soo baxay dowladda Federaalka, waxayna sidoo kale xaqiijisay in Puntland ay awood u leedahay inay maamusho amnigeeda. Waxayna carrabka ku adkeeyeen inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee gobolka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa Beesha Caalamka ay beegsatay Madaxda ugu sareysa Al Shabaab ee ku sugan deegaanada Puntland. Waxa uu intaa ku daray in Al-Shabaab ay dib isugu soo uruursadeen Bariga Puntland, kadib markii ay guul darrooyin kala kulmeen Galmudug iyo Hirshabeelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed