Afhayeenkii ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xilkii laga qaaday isla markaana loo magacaabay mid kale

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa u magacaabay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Qaasim Axmed Rooble, waxaana uu bedelayaa Sarreeye Gaas Sadiiq Aadan Cali- Doodishe.

Shir jaraa’id oo uu Axadii ku qabtay magaalada Muqdisho, Sarreeye Gaas Saadiq Aadan Cali-Doodishe ayaa xilka ku wareejiyay taliyihii hore ee xilkaas loo magacaabay.

Afhayeenka cusub ee Booliska Soomaaliyeed ayaa afhayeenkii hore  Sadiiq Doodishe  uga mahad celiyay howlihii uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay, isagoo balan qaaday inuu si wanaagsan ugu adeegi doono qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Magacaabida Afhayeenka cusub ee Ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble, ayaa noqoneysa markii labaad ee loo magacaabo xilkan, isagoo horay u soo hayay 2017 ilaa 2019.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed