Warar ka soo baxaya dagaal dhexmaray Burcad badaeed Soomaali ah iyo Ciidanka badda Hindiya

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in markab ay la socdeen koox burcad badeed Soomaali ah, oo dhawaan ay qabteen ciidamada badda Hindiya, uu ku degay xeebaha Puntland. Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, markabka ayaa ku soo caariyay xeebta Kulub ee Garacad, waxaana la socday 11 ruux oo qaarkood dhaawacyo ka soo gaareen dagaal ay la galeen ciidamada badda Hindiya.

Kooxdan burcadbadeedda ah oo tiradooda lagu sheegay 11-qof ayaa muddo dhowr maalmood ah ku jiray badda, iyagoo u dul-qaatay dhibaatooyin iyo dhaawacyo ay ka mid yihiin kuwa jireed oo ay u geysteen ciidamada badda Hindiya markii ay gacanta ku dhigeen.

Ilo wareedyo ayaa daaha ka rogay in ciidamada Hindiya ay markii dambe burcadbadeedda ka sii daayeen meel ka fog xeebaha Soomaaliya, iyagoo ciqaabay, hase ahaatee markabku ugu dambeyn wuxuu la wareegay xeebaha Puntland.

Nasiib darro, hal qof oo ka mid ah kooxda ayaa naftiisa ku waayay iska horimaadkii dhexmaray ciidamada . Dadka dhaawacmay oo uu ku jiro mid dhaawacoodu culus yahay ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaalka Garacad.

Dhacdadan ayaa muujineysa caqabadaha joogtada ah ee kooxaha burcad badeeda ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan dadaalo wadajir ah oo ay wadaan ciidamada badda ee caalamiga ah oo lagula dagaalamayo burcad badeedda gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed