Faah faahin dheeraad ah oo laga helayo Muwaadin Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka Koofur Afrika

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo si weyn looga garanayay magaaladaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Maxamuud, oo caan ku ahay Maxamed Adeeroow. Dhacdadaan ayaa ka dhacday goobtiisa ganacsi, taasoo naxdin iyo murugo ku beertay ganacsatada Soomaaliyeed dalkaas.

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxdii dilka geysatay ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, kadib markii ay falkaasi geysteen. Inkastoo Booliska Koonfur Afrika ay si deg deg ah ku yimaadeen, haddana baaritaanadii ugu horeeyay ayaan wax natiijo ah ka soo bixin, taasoo keentay in bulshada ay ka werweraan cadaaladda.

Ehelada Marxuum Maxamed Axmed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadaan naxdinta leh ay dhacday xili uu qorsheynayay inuu dib ugu laabto dalka Soomaaliya. Duruufaha ku xeeran dhimashadiisa waxay sii kordhinaysaa murugada dhacdo horeba u naafaysay qoyska murugaysan ee wiilashoodu jiraan dalkaas.

Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayaa dhibanayaal u noqday weerarada noocaan oo kale ah, hase ahaatee dadka falkan geystay ayaa inta badan ka baxsada cadaaladda. Isla xisaabtan la’aanta dambiyadaas ayaa walaac ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay dhalisay doodo ku saabsan badqabka iyo amniga xubnahooda ku nool dalka Koonfur Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed