Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo uga digay Israa’iil haddii ay joojin weyso weerarada ka dhanka ah Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa ugu baaqay Israa’iil inay joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza, isagoo ka digay in dagaalku ku fido meelo kale oo bariga dhexe ah haddii Xisbullah ay ku biirto dagaalka, taasina ay Israa’iil ka dhigi doonto mid aad u weyn. ”

Hossein Amirabdollahian oo warbaahinta kula hadlay Beyruut ayaa sheegay in kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ay tixgeliyeen dhammaan shuruudaha dagaalka, Israa’iilna ay tahay inay sida ugu dhaqsaha badan u joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza.

Israel ayaa u aragta Hezbollah khatarta ugu dhow, iyada oo ku qiyaastay in ay haysato ilaa 150,000 oo gantaal, oo ay ku jiraan gantaalada halis ah ee ku dhici kara meel kasta oo Israa’iil ah. Kooxdan oo haysata kumannaan dagaalyahano ah oo aad u adag oo ka qaybqaatay dagaalka Suuriya 12-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa sidoo kale leh noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.

Dagaalyahanada Xisbullah ayaa heegan buuxa la geliyey xadka Lubnaan uu la wadaago Israa’iil, kadib weerarkii Sabtidii lasoo dhaafay ay qaadeen kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas oo lagu dilay boqolaal qof oo isugu jira rayid iyo askar Israa’iiliyiin ah.

Sabtidii, militariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ka fuliyeen xadka Lubnaan ay ku dileen unugyo isku dayayay in ay galan Israa’iil. Jimcihii, Xisbullah waxay sheegtay in dagaalyahanadeeda ay dhowr gantaal ku dhufteen afar saldhig oo Israa’iil ay ku leedahay xadka.

Suurtagalnimada in dagaal cusub uu ka qarxo Lubnaan ayaa dib u soo celinaysa xasuus qaraareed oo ku saabsaneed dagaal lagu hoobtay oo 2006-dii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil, kaas oo ku dhammaaday is-mari-waa iyo xiisad u dhaxaysay labada dhinac soo maray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed