Soomaaliya oo qalinka ku duugtay mamnuucida tijaabada hubka Nukliyeerka

Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixday 8-dii September  heshiiska Nukliyeerka ee New York, taasoo tirada saxiixayaasha ka dhigeysa 187.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Abuukar Daahir Cusmaan oo ah wakiilka joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay oo u saxiixay magaca dalkiisa iyo David Nanopoulos oo ah madaxa qeybta heshiisyada ee xafiiska arrimaha sharciga ee Qaramada Midoobay.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac Huruuse uu ballan qaaday inuu saxiixo heshiiska CTBT ee Sayniska iyo Teknolojiyadda ee heerka sare ah ee Vienna 19 June 2023.

Robert Floyd, oo ah Xoghayaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Tijaabada Nukliyeerka (CTBTO), oo u safray Soomaaliya bishii Febraayo 2023, ayaa yiri, saxiixida heshiiskan, waddanku wuxuu codkiisa ku darayaa baaqa caalamiga ah ee joojinta tijaabada nukliyeerka.

CTBT waxay mamnuucday dhammaan qaraxyada tijaabada nukliyeerka meel kasta, qof kasta, iyo wakhti kasta.

Si kastaba ha ahaatee, si uu u dhaqan galo, heshiiska waa in ay ansixiyaan dhammaan 44-ta gobol, kuwaas oo siddeed ka mid ah loo baahan yahay in la ansixiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed