Jabhadii Buurta Gacan Libaax oo afduubtay gaari ay leedahay Somaliland kuwaas oo jeedjiyay hanjabaad horleh

Jahhadii ku sugneed buurta Gacanlibaax ayaa maanta degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer ka soo afduubteen gaari ay leedahay Wasaarada Biyaha ee Somaliland, kuwaas oo ku goodiyay in ay qaadi doonaan weeraro kale oo ka dhan ah xukuumadda, sida ay sheegeen.

Kadib markii ay gaariga geeysteen halkii ay joogeen ayey muuqaal ay soo dhigeen warbaahinta waxayn ka dhawaajiyeen in uu is casilo madaxweynaha Somaliland, iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaas, isla markaana ay joojin doonaan weerarada ay damacsan yihiin.

Mid kamid ah hoggaanka Jabhada ayaa sheegay in ay tagi doonaan madaxtooyada iyo Taliska Oog haddii Muuse Biixi iyo Maxmedd Kaahin Axmed aysan iscasilin, waxaa uu intaas raaciyay in haddii ay qaataan baaqooda in xaaladduay noqon doonto mid daggan si nabadgalyo iyo wada-noolaasho u timaado, wadahadalna ay galayaan.

Si kastaba, Jabhadaan ayaa waxaa cafis u fidisay xukuumadda kadib soo jeedinta guddigii dhexdhexaadinta ee maamulka Somaliland ee isku xil-qaamay in ay xaliyaan khilaafkii taagnaa ee salka ku hayay arrimaha doorashooyinka.

Guddiga dhexdhexaadinta ayaa horay usoo jeediyay in Jabhadda ay wareejiso hubka, balse arrintaas waa lagu gacan seyray kadib markii ay diideen dagaalamayaasha ku suga Gacan Libaax.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed