Somaliland oo soo bandhigtay ciidan hubeysan kuna hanjabtay dagaal culus

Somaliland ayaa ku hanjabtay in ay dagaal ku qaadi doonto wax ay ku sheegtay cadaw ku soo duulay Laascaanood, iyada oo soo bandhigtay boqolaal ciidan cusub ah oo hubeysan kuwaas loo soo xiray tababar.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Wasiirka arrimaha gudaha  iyo Taliyaha Ciidanka  ee maamulkaas ayaa maanta boqolaal ciidan cusub ah kula hadlay taliska Oog oo ay ku sugan yihiin ciidamadii horay laga saaray Laascaanood iyo kuwa cusub ayaa sheegeen in loo diyaar garoobo dagaal culus, isla markaan loo baahan yahay in guulo lagu farxo laga keeno dagaalaas, waa side ay hadalka u dhigeen masuuliyiintii goobta ka hadashay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye aya ka dhawaajiyay in lagu soo duulay Somaliland oo ay muddo ka ilaalinayeen wax uu ku sheegay cadaw, wuxuu farta ku fiiqay in cadawagaas ay ka saari doonaan gobolka Sool waa sida uu hadalka u dhigay, sidoo kale waxaa uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay garab istaagaan ciidamada dagaalka ku jiro. Caateeye ayaa xusay in in ay hor kici doonaan ciidanka oo ay hoggaamin doonaan.

Dhanka kale taliya ciidanka Somaliland General Nuux Taani oo madashaa ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqayin ciidanka looga baahan yahay in ay guul keenaan, oo ay dhiigooda u huraan Somaliland, Taani ayaa ciidanka ka hor sheegay in uu la socon doono, kana hari doonin inta ciidamadu ay ku jiraan dagaalka.

Si lamid ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa asna jeediyay hadal lamid ah kuwii ay jeediyeen Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Taliyaha Ciidanka, dhammaantood waxay ciidanka cusub la wadaageen in looga baahan yahay adkeysi  iyo guul ku saabsan dagaalka gobolka Sool si buuxdana loo garab taagan yahay.

Taniyo markii Goojacadde laga saaray ciidamada maamulkaas dagaalkii qararaaa ee dhaliyay khasaaraha xooggan, Somaliland ayaa wadday abaabul ciidan oo xooggan, masuuliyeenta kala duwan ayaa jeedinayay khudbado ay ka mideeysanaayeen oo ku wajahneed in ay gacanta ku dhigaan Laascaanood.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed