Xisbiga talada haya ee Somaliland ayaa doortay musharrax madaxweyne, muashrrax madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha xisbiag doorasho ay maanta qabteen Golaha Dhexe ee xisbiga.
Xisbiga Kulmiye ayaa musharrax madaxweyne u doortay Muuse Biix Cabdi oo hadda ah madaxweynaha talada haya ee Somaliland, kaas oo markale u tarmaya doorashada madaxtinimada maamulkaas, musharrax madaxweyne ku xigeenka xisbiga ayaa loo doortay Maxamuud Sacad Saajin.
Xisbiga Kulmiye ayaa sido kale wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed u doortay guddoomiyaha xisbiga, kaas oo horay u ahay guddoomiye ku xigeenka xisbiga, dhankale Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye ayaa gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi u doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Kulanka waxaa khudbad ka jeediyay Muuse Biixi oo sheegay in uu iska casilay guddoomiyaha xisbiga kahor intaan Maxamed Kaahir loo magacaabin, waxaa uu intaas raaciyay markale ay kalsooni ku qabaan in la doorto.
Is beddelka lagu sameeyay xisbiga talada haya ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo aanan wax hishiis ah laga gaarin hannaanka arrimaha doorashooyinka oo uu khilaaf xooggan ka taagnaa muddooyinkii dambe.
HBN NEWS DESK