Weerar ka dhacay dalka Niger oo lagu dilay ku dhawaad 20 ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan dalkaas

Lix ka mid ah askarta Niger iyo toban kamid ah kooxaha argagixisada ayaa lagu dilay  dagaal ka dhacay galbeedka dalkaas, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay taliska sare ee ilaalada qaranka oo laga akhriyay telefishinka.

Lix askari oo uu ku jiro madaxii howlgalka ayaa ku dhintay mid kalena waa la dhaawacay, sida lagu sheegay qiimeynta ku meel gaarka ah ee Taliska Sare.

Askarta Niger oo watay shan baabuur ayaa ku hawlanaa baacsiga ka dhanka ah kooxo looga shakisan yahay inay jihaad doon yihiin, markii weerar gaadmo ah lagu qaaday  oo qiyaastii labaatan kiilo mitir u jirta magaalada Sanam, ee galbeedka dalka, ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida laga soo xigtay isla isha, weerarka gaadmada ah waxaa ka dambeeyay koox lagu sheegay argagixiso, kuwaas oo laga dilay Toban ka tirsan  oo ay fuliyeen xoogaga cirka iyo dhulka, ayaa lagu yiri bayaanka, waxaana la burburiyay afar ka mid ah mootooyinka weerarka.

Deegaanka Sanam waxa uu ku yaalaa gobolka Tillabéri, waxa loogu yeero  “saddexda xuduud” oo ku yaala inta u dhaxaysa Niger, Mali, iyo Burkina Faso, halkaas oo ay ka dhaceen weeraro badan.

9-kii Agoosto, shan askari oo ka tirsan ilaalada qaranka ayaa lagu dilay afarna waa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen oo ku taal Bourkou Bourkou, oo u dhow magaalada macdanta ee Samira, oo sidoo kale ku taal aagga ” xudduudaha seddexleyda “.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed