Wasiirka amniga oo faah faahin ka bixiyay ciidamo dheeraad ah oo loo diyaaray dagaalka Al shabaab

Wasiirka amniga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu wajiga labaad ee dagaalka Al shabaab ay u diyaarisay ku dhawaad 20 kun oo ah ciidan cusub, kuwaas oo hadda diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xorreynayo kooxda Al shabaab.

Maxamed Axmed Sheikh Cali Doodishe,  oo warbaahinta ka soo muuqday ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu maraayo u diyaar garoowga dagaalka ka dhanka ah Al shabaab oo lagu waddo maalmaha soo aaddan in uu ka bilaawdo dalka, Wasiirka amniga ayaa hoosta ka xariiqay in taniyo bilaawgii sannadkaan oo ay ka soo wareegtay 7 bilood iyo maalmo  dowladdu diyaarisay 15 askari oo loogu talagalay howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Ururka Al shabaab wajiga labaad.

Doodishe ayaa toos u carrabaabay in dagaalkan uu yahay mid lagu tiraayo jiritaanka Al shabaab, waxaa uu intaas raaaciyay in dhammaan hey’addaha dowladda Faderaalka ah ay u diyaar garoobeen guluf dagaal oo aanan horay loogu qaadin Al shabaab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed