Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ka badan 10 kun ciidan cusub oo loo diyaariyay dagaalka As iyo dalalka ka qeyb gayala wajiga labaad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qortay in  ka badan 10 kun oo askari taniyo markii uu bilaawday wajiga 1aad ee dagaalka Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah uga  ka qeyb qaateen ciidamadda Soomaaliya, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageero howgallada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya  Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay ujeedka qorista ciidankan cusub, diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo kaalinta saaxiibada caalamka iyo Dowladaha deriska ama safka hore loo yaqaano ku leeyihiin dagaalka argagixisada lagu ciribtirayo.

“Tan iyo markii la bilaabay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa ay dowlada Soomaaliya qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafeysa 10 kun oo askari” ayuu  Wasiir Daa’ud Aweys ku sheegay madashii uu warbaahinta kula hadlay, asiga oo iny taas raaciyay in dolwaddu ay u diyaar garoowday hannaanka Shabaab looga xorreynayo guud ahaan dalka.

Wasiirka   hadalkiisa ku sheegay  kaalinta taageerada beesha caalamka iyo doorka ay dalalka deriska ama safka hore ku leeyihiin dagaalka Dalka looga xorreynayo Al-shabaab, intaas waxaa uu raaciyay  in  wejiga labaad ee dagaalka qeyb ay ka yihiin ciidamo ka socda Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneyso in ay bilaawdo dagaalka wajiga labaad ee ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo lagu waddo in si toos ah uu uga hirgalo Galmudug, iyada oo madaxqweynaha Soomaaliya uu maanta ku wajahan yahay Dhuusamareeb kaas oo ku dhawaaqi doono howlgallada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed