Dowladda Soomaaliya oo La Wareegeyso Guryo Laga Soo Tuuray Hoobiyaal.

Ciidanka Amaanka gaar ahaan kuwa Howlgalka ka howla Muqdisho oo ay qeyb ka yihiin Ciidanka Boliiska,  Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare  oo is kaashanaya ayaa waday Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Caasimada iyo Nawaaxigeeda,.

Howlgalladaan ayaa maanta waxa laga fuliyay  Deegaanka Garasbaaley gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Fooriloow,  iyada oo  Magaalada Muqdisho ay ku soo dhaceen hoobiyaal dhowr ah .

Ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay  dhowr xabo (Baalooto) oo hoobiye ah, Mobayladii laga qarxinayay oo wata Fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay.

Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday ilaa inta la helayo dadkii ka dambeeyay falkaan, laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxdii ka dambeysya hoobiyaashii lagu garaacay Muqdisho.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed