Guddoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa lagu sameeyay xil-k-qaadis kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxtooyada Hirshabeelle, middaas oo lagu faafiyay warbaabinta.
Madaxweyne Guudlaawe Xuseen ayaa xalay xilkii ka qaaday gudoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan, Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa sidoo kale loo magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).
Cali Jayte Cismaan ayaa aad loogu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan.
Si kastaba, xilka qaadistiisa ayaa timid, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay uu taagnaa khilaaf u dhexeeyay guddoomiyihii hore ee Hiiraan iyo hoggaanka sare ee Hirshabeelle.
HBN NEWS DESK