Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii xalay Al-shabaab ku qaadeen hoteel ku yaala xeebta Liido ee magaaalada Muqdisho, halkaas taniyo 2:00 habeenimo uu ka socday dagaal xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Ciidanka ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Hoteelka Pearl Beach oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah xilligaasi.
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegey in Weerarkaas ay ku dhinteen 6 ruux oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 10, dhanka kale waxaa ku dhintay 3 askari oo ka mid ahay Ciidankii Ammaanka ee waday badbaadinta dadkii ku sugnaa goobta.
Sidoo kale waxaa burbur xooggan uu soo gaaray hotelkii la weeraray, waxan jiraan wili dad laga cabsi qabo in ya ku jiraan dhismaha dumay hoostiisa, iyada goobta ay wili joogaan Ehello raadinaya dad ka maqan.
HBN NEWS DESK.