Maxamed Yuusuf oo 51 jir ahaa Soomaali ah, kana tirsanaa darawallada shirkadda Uber ee dalka Mareykanka, ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaaray weerar loogu geystay meel u dhow magaalada Minneapolis 14-kii bishan Nofeembar, sida ay xaqiijisay hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta ee CAIR.
Marxuumka ayaa maalmo ku jiray xaalad miyir-beel ah ama Koomo ah, kadib markii la sheegay in rakaab uu gaarigiisa ku qaaday uu suun ku ceejiyay, dabadeedna uu gaarigiisa ku jiiray. Walaalkiis oo isaguna ahaa darawal Uber ayaa sheegay inuu taleefanka ka maqlay Maxamed oo af Soomaali ku qaylinaya, kana cabanaya in la ceejinayo.
Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Hennepin ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu sare u qaadayo dacwadda ka dhanka ah Samit Patel oo 25 sano jir ah oo lagu eedeeyay inuu si arxan darro ah u weeraray Maxamed Yuusuf, oo ahaa darawal ka tirsanaa shirkadda Uber, xilli uu gaari ku waday gobolka Minnesota.
Samit Patel, ayaa markii hore lagu soo oogay dacwado la xiriirta isku day dil iyo dhac gaari, balse Xeer-ilaaliyaha gobolka Hennepin, Mary Moriarty, ayaa sheegtay in dacwadda loo beddeli doono dil ula kac ah oo darajada labaad ah.
Marxuum Maxamed oo ahaa Aabbe 5 carruura leh, ayaa geeriyooday Sabtidii, kaddib markii uu muddo laba toddobaad ah la tacaalayay dhaawacyadii ka soo gaaray weerarka.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa si weyn uga carootay weerarka lagu dilay Maxamed Yuusuf. Sababta marxuumka loo beegsaday ayaa lagu sheegay in rakaabku ka hor weerarka uu magaciisa waydiiyey Maxamed, kadibna uu ku yiri: “Ma jecli magacaas”, iyaga oo dhacdada ku tilmaamay mid isir naceyb ku saleysan.
Dhanka kale, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay hadallada ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka ee ay jeediyaan Madaxweyne Donald Trump iyo taageerayaashiisa.
Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Peggy Flanagan, ayaa tacsi u dirtay qoyska marxuumka iyo bulshada Soomaaliyeed, iyada oo ku baaqday in la joojiyo hadallada naceybka iyo bani’aadannimada ka fog.
Hbn Online Tv

