Iska horimaad khasaare geystay oo ka dhacay Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in hal qof oo rayid ah uu dhintay, mid kalena uu dhaawacmay, kaddib iska horimaad ka dhacay xaafadda Howlwadaag oo hadda ah meel dhaqdhaaqyada laga diwaangalinayo noqdeen kuwo xasaasi ah.

Dagaalka oo socday daqiiqado kooban ayaa la tilmaamay inuu dhexmaray ciidamo uu watay sarkaal hore uga tirsanaa maamulka magaalada iyo xoogag hubeysan oo taageersan xubnaha ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle oo ay jiraan siyaasiiyiin mucaarad ah.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Weyn, iyadoo ilo madax-bannaan ay sheegeen in gaari la sheegay inuu ka tirsanaa hay’adda Sirdoonka ee NISA ku lug lahaa dhacdada, kadib markii dhinaca kale ee xoogaga mucaaradka loo wareejiyye, balse arrintaas aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Wixii ka soo kordha dhacadaan waxaan idiin kugu soo gudbin doonaa Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed