Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa la sheegay inay wadaan qorshe lagu sii adkenayo sidii laiska kaashan lahaa tababarka ciidamo cusub oo ku biiraya Kumaandooska Danab, kuwaas oo tababarkooda lagu qabanayo xerada ku taalla Garoonka Ciidanka Cirka ee Ballidoogle, gobolka Shabeellaha Hoose.
Arrintan ayaa timid kaddib markii xal loo helay caqabado sababay in Mareykanku si ku-meel-gaar ah uga guuro garoonka, kaddib markii ay waxyeello soo gaartay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, kaas oo hadda loo helay qandaraas dib-u-dhis ah.
Mareykanka ayaa tababara, qalabeeya, lana howlgala Ciidanka Danab.
Waxaa la filayaa in munaasabadda furitaanka tababarka ay ka qaybgalaan madaxda dowladda, saraakiisha ciidanka iyo mas’uuliyiin Mareykan ah. Weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee tababarku bilaabanayo.
Hbn Online Tv

