Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa ka digay in Soomaaliya ay ku sii socoto sida uu hadalka u dhigay burbur iyo kala qaybsanaan gudaha ah, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu dib ugu laabto wadahadalka iyo heshiis siyaasadeed.
Isaga oo markale ku celinaya hadalo hore oo uu faragaasha siyaasadda uga adeegsaday ayuu yiri “Enough is enough” oo uu ula jeedo Waa nagu filan tahay, intaas ka badan maya!──Wuxuuna sii raaciyey “Waddankan god ayuu ku sii dhacayaa, waxaana loo baahan yahay in talo la isugu yimaado”.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay gaartay heer aan la sii fiirsan karin, isla markaana loo baahan yahay in dhinacyada siyaasadda ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan, taladana la wadaagaan si loo gaaro heshiis uu carrababay inuu yahay mid lagu badbaadinayo dowladnimada dalka.
Waxa uu kalsooni-darro ka muujiyey kulan wadahadal lagu qaban karo magaalada Muqdisho, ayna sii adkeyneyso sida uu ku dooday in dhinacyadu isku yimaadaan oo ay heshiis gaaraan, laakiin wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu dib u xusuusto wadahadalladii iyo heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in wax faa’iido ah aanay ku jirin in danta guud laga hormariyo danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta.
“Waxaan u baahanahay in talada dhulka la dhigo, la isu yimaado, la wada hadlo, wax lagu heshiiyo, sidii shalay aan ku soo dhaqanay. Sida ay maanta ku jirto [Soomaaliya] Xamarna la isuguma tagi karo, la iskumana aaminayo.Masaaliixda shaqsiga ah haddii ay ka weynaato tii caamka ahayd, maalinkasta cabaadka iyo is heysigu wuu imaanayaa” ayuu yiri madaxweyne Madoobe.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya, isaga oo ka digay in sii xumaanshaha siyaasadda gudaha ay saameyn ku yeelan karto gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.
Beesha caalamka waxaan leeyahay Soomaaliya in la sii fiirsado sida ay maanta ku jirto waxay sababi doontaa in gayigoo dhan saameyn ku yeelato, gaar ahaan Gacanka Cadmeed ha noqoto ama gobolada Geeska Afrika, intaba saameynay ku yeelanaysaa. Si middaasi u dhicin──wax ka weyne loo raadin, maanta ayey u baahantahay in gacanta la qabto. In la talo la isugu yimaado” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Waxa uu adkeeyay in xal siyaasadeed oo degdeg ah loo baahan yahay si looga hortago cawaaqib ka ballaaran dalka.
Hbn Online Tv

