Jabuuti oo xaqiijisay in dalkeeda ay soo gaareen boqolaal rayid ah oo ka soo cararay colaadda Yemen

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in dalkeeda ay gaareen 507 qof oo Yemeniyiin ah, kuwaas oo ka soo cararay dagaallada iyo rabshadaha weli ka socda dalkooda.

Qaxootigan oo ka kooban 100 qoys ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay gaaray magaalada Ubukh ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka deegaanka, hay’adaha dowladda iyo ururrada Qaramada Midoobay.

Hay’adahaasi ayey sheegtay Jabuuti inay iska kaashanayaan soo dhoweynta iyo daryeelka dadka cusub ee ka soo cararay colaadda Yemen.

Imaatinka qaxootigan ayaa muujinaya sii socoshada dadka ka barakacaya colaadaha gobolka, iyadoo Jabuuti ay weli martigelinayso dad ka soo cararaya dagaallada iyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalalka deriska ah.

Horaantii bishii hore ee September ee sanadkan, Qiyaastii 500 oo qaxooti Yemeniyiin ah ayaa laga dejiyey magaalada Ubukh. Weli Jabuuti ayaa ilinka ugu weyn ee dadka soo cararay ay hadda u gudbayaan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed