Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xukunkii toogashada 9 qof ee dhowaan Somaliland fulisay

Xafiiska Xaquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xukunkii toogashada ee Somaliland ku fulisay sagaal qof oo 11-kii bishan Nofeembar, kaddib xukun maxkamadeed.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay in maxkamadaynta xukunka toogashada ee dadka lagu fuliyay uusan buuxin sida warsaxafaddeedka lagu yiri heerarka caalamiga ah ee garsoor caddaalad ah iyo habraaca sharciga.

Xafiiska Xaquuqda Aadanaha ayaa ku baaqday in la joojiyo fulinta xukunnada fulinta xukunnada dilalka, isla markaana qaaddo tallaabooyin horseedi kara in gebi ahaanba la baabi’iyo sida hadalka loo dhigay ciqaabta dilka.

Sagaalka qof ayaa lagu toogtay deegaan Mandheera oo uu yaallo xabsiga caanka ee Somaliland dadka xirto ee Mandheera, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal kala duwan. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hore u saxiixay amarka lagu fulinayey xukunnadaas.

Inta badan dadka la toogtay ayaa ka tirsanaa ciidamada, waxaana kiisaskooda qaarkood ay gacanta ku hayey maxkamadaha ciidamada milatariga.

Warbaahinta Somaliland ayaa sheegtay in dhammaan sagaalka qof lagu helay dembiyo dil ah, isla markaana xukunnada lagu fuliyey ay waafaqsanaayeen shareecada Islaamka.

Jimcihii todobaadkii hore, Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku taageertay qaraar ku baaqaya in dalalka caalamku hakiyaan fulinta xukunnada dilka, kaddib codbixin ka dhacday 13-kii November xarunta golaha. Qaraarkaasi ayaa helay taageerada 133 dal, halka 33 dal ay ka soo horjeesteen, 16 dalna ay ka aamuseen codbixinta

Soomaaliya, Turkiga, iyo dalal kale oo Islaam ah ayaa ka mid noqday waddamada taageeray qaraarkan oo ciwaankiisu ahaa “Joojinta ku-meel-gaarka ah ee adeegsiga ciqaabta dilka”―halka Mareykanka, Shiinaha, Itoobiya, Sacuudiga, Masar iyo Iiraan ay ka soo horjeesteen.

Si kastaba ha ahaatee, ansixinta qaraarkani macnaheedu ma aha in xukunka dilka si sharci ah looga mamnuucay dunida oo dhan, maadaama uusan ahayn go’aan sharci ahaan dalalka ku khasbaya inay joojiyaan fulintiisa.

Soomaaliya oo ah dalka Muslim ah ayaa xukunada dilalka ku fuliya hab sharciga Islaamka waafaqsan, iyada oo dadka badi sanadkan la toogtay ay ka dheceen deegaano badan oo Koonfurta, Bartamaha iyo waqooyiga dalka ah.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed