Puntland oo soo saartay awaamiir ka dhan ah shirarka mucaaradkeeda

Maamulka gobolka Nugaal ayaa mamnuucay in hoteellada, jaamacadaha iyo goobaha shirarka lagu qabto kulamo siyaasadeed oo aan oggolaansho ka haysan xukuumadda Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Foodcade), ayaa qoraal uu soo saaray ku wargeliyay xarumaha ganacsiga in aysan martigelin karin shirar siyaasadeed oo aan maamulka lagala tashan.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale faray taliska booliska gobolka Nugaal in uu tallaabo ka qaado cid kasta oo jebisa amarkan, taas oo si toos ah u saameynaysa goobaha lagu qaban karo shirarka mucaaradka.

Go’aankan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay hore awaamiir la mid ah uga soo saartay gobollada Mudug iyo Karkaar, halkaas oo ay sidoo kale ka mamnuucday shirarka siyaasadeed ee aan maamulka lagala tashan.

Tani ayaa durba loo fasiray go’aan lagu dabrayo in wax talaabo ah qaadaan xubnaha gobolka ee mucaaradka ku ah xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo wajaheysa dhaliilo siyaasadeed.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed