Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay laba howlgal oo qorsheysan ka fulisay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay NISA soo saartay maanta ayay ku sheegtay in howlgalada oo ay la kaashatay saaxiibada caalamka, midkiisa koowaad uu ka dhacay 10-kii Bishan November, deegaannada u dhexeeya tuulooyinka Kheyranle iyo Butaale, lagu dilay horjooge Ismaaciil, oo ay ku tilmaantay mid ka mid ah madaxda maaliyadda kooxda ee deegaannada Aborey iyo Makaraan, kuwaas oo ka tirsan aagga Maxaas.
Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in howlgalkaas dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay Cabdiraxmaan Cosobow, oo ay ku tilmaantay horjoogaha kooxda u qaabilsanaa degmada Maxaas. Waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaari nooca Noohada ah iyo 50 xabbo oo rasaasta nooca Sabanka ah.
Howlgalka 2-aad oo dhacay 16-kii Nofeembar ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda, kaddib markii sida ay NISA sheegtay la xaqiijiyay xogta goobta ay ku sugnaayeen.
Hay’adda ayaa sheegtay in howlgalkaas dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjooge Bilaal, oo ka tirsanaa qaybta baadda ee kooxda, iyo horjooge Mahad, oo ay ku tilmaantay inuu ka tirsanaa qaybta waxay ugu yeertay “dhagarta” ee Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo hoggaanka iyo maleeshiyaadka kooxda, si looga hortago falalka ay ku tilmaantay dhagarta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Shalay, Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyey duleedka deegaanka Moora-hagar Guudale oo qiyaastii 20-km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, lagu dilay Mustaf Maxamed Dhaayow, oo ahaa mas’uul sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda. Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Ciidamada Xoogga Dalka, Dhaayow ayaa kooxda u qaabilsanaa ururinta lacagaha iyo xoolaha, kuwaas oo dowladda ay ku tilmaanto “baad si khasab ah looga qaado shacabka.”
Hbn Online Tv

