Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta wareegto ay sii daysay madaxtooyada Jubbaland ku magacaabay Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle inuu noqdo Ku-xigeenkiisa Labaad ee maamulkaasi.
Magacaabistan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu dhammaystirayo xubnaha hoggaanka sare iyo dardargelinta dhismaha hay’adaha Jubbaland.
Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle ayaa xilkan ku beddelaya Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere), oo 28-kii Juun 2025 ku geeriyooday magaalada Nairobi, kaddib muddo uu xanuunsanaa.
Lugadheere ayaa xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad soo hayay muddo dheer intii uu Axmed Madoobe hoggaaminayay Jubbaland.
Jubbaland ayaa lagu tilmaamay maamulka keliya ee Soomaaliya ka jira ee leh laba Madaxweyne Ku-xigeen, isla markaana madaxweynuhu si toos ah u magacaabo ku-xigeennadiisa.
Dhanka kale, Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle waxay leeyihiin hal Madaxweyne Ku-xigeen oo doorasho ku yimaada, halka Koonfur Galbeed aysan hadda lahayn Madaxweyne Ku-xigeen.
HBN ONLINE TV

