Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqay in ka badan $6.5 Milyan oo ah gargaar dedegdeg ah

Soomaaliya ayaa helaysa markale kaalmooyinkii dambeeyey, kadib markii Midowga Yurub ay u qoondysay lacag dhan 6.66 milyan oo doollar, taas oo qeyb ka ah deeq gargaar bani’aadannimo oo gaaraysa 14.99 milyan oo doollar, looguna talagalay dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika si ay ugu diyaar garoobaan saameynta saadaasha El Niño ee sannadaha 2026–2027.

Lacagtan ayaa Soomaaliya looga taageerayaa diyaarinta goobaha dadka laga daadgureynayo, bixinta kaalmo lacageed oo degdeg ah iyo xoojinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqeynta, si loo yareeyo saameynta ay xaaladaha cimiladu ku yeelan karaan bulshada nugul.

Midowga Yurub ayaa sheegay in saadaashu muujineyso in El Niño-da soo socota ay noqon karto tii ugu xoogga badneyd ee abid la diiwaangeliyo, taas oo keeni karta xaalado cimilo oo daran iyo dhibaatooyin saameeya nolosha dadka, beeraha iyo ilaha biyaha.

Deeqda inteeda kale waxaa dalalka la siinayo ku jira Kenya & Uganda oo mid walba heli doono 1.1 milyan, halka 6.1 milyan oo doollar loo qoondeeyay dalalka Koonfurta Afrika iyo jasiiradaha Badweynta Hindiya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabooyinka hore loo qaado ay muhiim u yihiin badbaadinta nolosha dadka iyo yareynta khasaaraha ka dhasha masiibooyinka cimilada.

Tani waxay imaanaysaa, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu sheegay in Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfureed, laga saadaalinayo El Niño xooggan oo saameyn ku yeelan kara nolosha in ka badan 3.4 milyan oo qof.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay Soomaaliya kala shaqeyso ka-hortagga iyo wax ka qabashada saameynta la filayo ee El Niño, isagoo xusay in hal dollar oo ka-hortag ah uu badbaadin karo 15 dollar oo lagu bixin lahaa wax ka qabashada khasaaraha ka dhasha musiibooyinka.

Sida ay sheegayaan Hay’adaha Saadaasha hawada Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka laga filan karo daadadka ay sababto Elnino oo markii ugu dambeysay dalka lagu arkay sannadkii 2023.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed