Ugu yaraan 8qof oo rayid Soomaali ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo Sabti ah lagu dilay weerar ka dhacay koonfurta Itoobiya, meel u dhow xuduudda Kenya.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Malkamari ee degmada Mubaarak, gobolka Dawa, halkaas oo koox hubaysan oo lagu sheegay maleeshiyaad Oromo ah ay weerartay deegaan ay degganaayeen xoolo-dhaqato Soomaali ah.
Wararka deegaanka ayaa sheegaya in weeraryahannadu ay rasaas ku fureen dadka xilli ay hurdayeen. Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa dilalka ku eedeeyey maleeshiyaad Oromo ah.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay sii xoogaysanayaan colaadaha u dhexeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada ee koonfurta Itoobiya.
Dagaallada ayaa sababay barakac ballaaran, iyadoo kumannaan qof ay u qaxeen dhinaca Kenya.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Marsabit ee Kenya, Maxamed Cali, ayaa Jimcihii sheegay in laba qof oo deegaanka ka soo jeeda ay ku dhinteen rasaas habowday, halka 22 kalena ay dhaawacmeen.
Waxa uu intaas ku daray in ku dhowaad 10,000 oo qof ay barakaceen, halka in ka badan 50,000 oo Itoobiyaan ah ay magangelyo u galeen Kenya. Dadka ku nool magaalada Mooyale ayaa sidoo kale sheegay inay maqleen rasaas culus iyo qaraxyo ka dhacayay dhinaca Itoobiya.
Colaaddan ayaa carqaladaysay ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka ah, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo amniga iyo xaaladda bani’aadannimo ee xuduudda labada dal.
HBN Online TV

