Ma dhabbaa in Turkigu 15 kun oo askari uu u dirayo Soomaaliya?

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda Ankara ay qorsheyneyso inay Soomaaliya u dirto 15-kun oo askari, iyadoo sheegtay in wararkaasi aysan waxba ka jirin.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wararka sheegaya in Turkigu, codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, uu dalka u soo dirayo kumannaan askari aysan ka tarjumayn xaqiiqada. Arrintan ayaa timid kaddib warbixin dhinaca ciidamada ah oo uu bixiyay afhayeenka wasaaradda, Admiral Zeki Aktürk.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xaqiijiyay in iskaashiga milatari ee labada dal uu weli socdo, gaar ahaan tababarrada la-dagaallanka argagixisada, taageerada ciidamada iyo howlaha la-talinta milatari.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh joogitaan milatari oo muhiim ah tan iyo markii uu magaalada Muqdisho ka furay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM sannadkii 2017-kii. Labada dal ayaa sii xoojiyay iskaashigooda dhinaca difaaca, kaddib heshiis muddo 10 sano ah oo ay kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, kaas oo diiradda saaraya amniga badda iyo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamo Soomaali ah ay dhawaan Turkiga ku soo dhammaysteen tababar kumaandoos ah. Mas’uuliyiinta Turkiga ma shaacin tirada ciidamada dalkooda ee hadda ku sugan Soomaaliya, mana aysan ku dhawaaqin qorshe ku saabsan ciidamo dheeraad ah oo la keenayo dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed