Soomaaliya &Turkiga oo taageeray qaraar Qaramada Midoobay looga dalbanayo hakinta xukunada dilka ah

Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku taageertay qaraar ku baaqaya in dalalka caalamku hakiyaan fulinta xukunnada dilka, kaddib codbixin dhacday jicmihii shalay 13-kii November 2026.

Qaraarkan ayaa helay taageerada 133 dal, halka 33 dal ay ka soo horjeesteen, 16 dalna ay ka aamuseen codbixinta

Soomaaliya, Turkiga, iyo dalal kale oo Islaam ah ayaa ka mid noqday waddamada taageeray qaraarka, halka Mareykanka, Shiinaha, Itoobiya, Sacuudiga, Masar iyo Iiraan ay ka soo horjeesteen.

Qaraarkan oo cinwaankiisu yahay “Joojinta ku-meel-gaarka ah ee adeegsiga ciqaabta dilka” ayaa dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ugu baaqaya inay hakiyaan fulinta xukunnada dilka ah, iyadoo laga duulayo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Si kastaba ha ahaatee, ansixinta qaraarkani macnaheedu ma aha in xukunka dilka si sharci ah looga mamnuucay dunida oo dhan, maadaama uusan ahayn go’aan sharci ahaan dalalka ku khasbaya inay joojiyaan fulintiisa.

Soomaaliya oo ah dalka Muslim ah ayaa xukunada dilalka ku fuliya hab sharciga ah, iyada oo dadka badi sanadkan la toogtay ay ka dheceen deegaano badan oo Koonfurta, Bartamaha iyo waqooyiga dalka ah. Dilalkii dambeeyey ayaa la fuliyey todobaadkii hore, kadib markii Somaliland ay sheegtay in la toogtay 9 ruux oo lagu helay dambiyo la xariira dilal.

 HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed