Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in dalkiisu dhaqaale iyo taageero ka helo howlgalka amniga ee Midowga Afrika ka wado Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Midowga Yurub uu sii wado maalgelinta howlgalka.
Ruto oo khudbad ka jeedinayay kulan uu la lahaa xubno ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in taageerada ururkaasi uu siiyo hawlgallada ay hoggaamiyaan dalalka Afrika ay tan iyo 2007 gaartay ku dhowaad 2.8 bilyan oo Yuuro, iyadoo 75 milyan oo Yuuro oo dheeraad ah loo ansixiyay howlgallada Soomaaliya bishii Abriil ee sanadkan 2026.
Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu weli wajahayo caqabado dhaqaale iyo kuwo dhanka howlgalka ah, isaga oo ku baaqay in la sii wado, lana kordhiyo taageerada Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada duulista, saadka, joogteynta ciidamada iyo adeegyada caafimaadka.
Ruto ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub uu yahay suuqa ugu weyn ee Kenya u dhoofiso badeecadaheeda, ayna ka qaataan 21% wax-soo-saarka ay Kenya u dhoofiso suuqyada caalamka. Waxa uu intaas ku daray in Midowga Yurub uu 20 milyan oo Yuuro ku taageeray xoojinta Ciidamada Difaaca Kenya.
Hadallada Ruto ayaa ku soo aadaya xilli AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale iyo baahi loo qabo taageero dheeraad ah, iyadoo mustaqbalka joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya uu weli yahay arrin muhiim u ah amniga dalka.
Hbn Online Tv

