Xukuumadda Somaliland ayaa maanta la sheegay in ku fulisay xukun qisaas ah 9 qof oo maxkamadaheedu horey ugu xukumeen dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo dilal kala duwan ah.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hore u saxeexay amarka lagu fulinayey xukunnadaas, oo ka dhacay deegaan Mandheera. Inta badan dadka la qisaasay ayaa ka tirsanaa ciidamada, waxaana kiisaskooda qaarkood gacanta ku hayay Maxkamadda Ciidamada Milatariga.
Warbaahinta afka xukuumada Somaliland ku hadasha ayaa sheegtay in dhamaan dadkaan lagu helay sida hadalka ay u dhigtay dilal horey ay u geysteen.
“Xukuumadda Somaliland ayaa saaka fulisay xukunka qisaasta ah ee 9 qof oo hore loogu helay dembiyo dil ah, kaddib markii lagu riday xukunnada waafaqsan shareecada Islaamka” ayaa lagu yiri warka warbaahinta Somaliland.
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa wiil lagu sheegay magaciisa Akram Bulaale Axmed, oo hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Booliska Somaliland, sidoo kalena u ciyaari jiray kooxda Ciidanka Socdaalka Hargeysa. Waxa uu degmada Maxamed Mooge kala qayb qaatay guushii Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee sannadkii 2021.
Akram ayaa horey dil kaga geystay magaalada Ceerigaabo sannadkii 2024, sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha Somaliland, waxaana maanta lagu fuliyey xukunkii qisaasta ee maxkamaddu ku ridday.
HBN ONLINE TV

