Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjernimo ka guddoomay safiirka cusub ee Cummaan 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee Saldanadda Cummaan u qaabilsan Soomaaliya, Saalim bin Xabiib Al-Cumarayri (Salim bin Habib Al Umairi)

Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey nuqulka farriinta ee uu ka siday Suldaanka Cummaan, Haitham bin Tariq Al Said, waxaana  madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in uu muujiyey sida hoggaanka iyo shacabka Cummaan ay u daneynayaan xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Suldaanka garab istaagga uu u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna danjiraha cusub u rajeeyey guul iyo in uu si wanaagsan u guto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Cummaan, si loo xoojiyo danaha labada dal.

Talabaadu waxay imaanaysaa iyada oo Soomaaliya ay wado qorshe diblomaasiyaadeed oo ay ku dooneyso taageero siyaasadeed oo dalalka Islaamka iyo kuwa caalamka ay kaga raadineyso sidii ay kaga soo dhex muuqan lahayd fagaraayaasha calaamka.

Marka la joogo suuqa ganacsiga, badi dadka Soomaaliyeed ee dibadda wax ka soo dhoofsada, si gaar ah dalalka carabta ayaa waxay badi kaga yimaadaan dalka Cummaan. Tani waxaa sahlaya isu dhawaanshaha labada maadama ay Cummaan ku taallo ilin muhiim ah oo ku toosan Soomaaliya.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed