Doon u rarnayd ganacsto Soomaali ah oo ku gubatay marinka Hormuz

Doon ganacsi oo lagu magacaabo SKY Quba, una rarnayd ganacsato Soomaaliyeed, ayaa ku gubatay marinka Hormuz kaddib markii uu haleelay gantaal ama walax aan la aqoonsan, sida ay sheegtay hay’adda Ingiriiska ee UKMTO.

Doonida oo ka timid Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay ku sii jeedday dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka bari, iyadoo sidday in ka badan 1,200 oo tan oo isugu jiray bagaash, shidaal iyo baabuur.

Ganacsatada Soomaaliya ayaa wajahaya saameynta dagaalka Bariga Dhexe iyo xirnaanshaha marinka Hormuz, taas oo sare u qaaday qiimaha shidaalka iyo qaar ka mid ah maciishadda adeegyada muhiimka ah.

Marinka Hormuz oo badi ay soo maraan badeecadaha Soomaaliya ka soo dhoofsato dalalka dibadda ayaa wajahaya hadda mid kamid ah mowjadaha dagaal ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran oo isku haysta maamulka iyo gacanta heynta ilinkan oo labaatan boqolkiiba dhaqaalaha adduunka.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed