Taliska Ciidamada xoogga xoogga oo talaabo cusub, kadib dagaalladii Jameeco ee Al Shabaab

Maalmo kadib markii dagaalo culus oo u dhexeeyey ciidamada dowaldda iyo kooxda Alshabaab ay ka dheceen deegaannada Leego iyo Jameeco oo hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, ayna ku dhinteen tobanaan askari oo kamid ah kuwo ciidanka xoogga ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ay qaaday talaabadii ugu horeysay oo arrinkaasi looga jawaabayo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiil kale ayaa gaarey furimaha hore ee gobolka Baay. Saraakiisha ayaa kormeeray labada deegaan

Saraakiishan ayaa halkaasi kula kulmay taliyeyaasha ciidamada iyaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada la galeen kooxda Alshabaab iyo howlgallada socda.

Mas’uuliyiinta ayaa faray Ciidamada in ay inay sii laba-jibaaraan howlgallada ka socda dowlad goboleedka Koofur Galbeed ee lagu xaqiijinayo Amniga.

Ilo wareedyo dhinaca amniga ah iyo xog laga helay xarumo caafimaad ayaa sheegaya in tobannaan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay dagaalka. Wararka qaar ayaa tirada dhimashada ku sheegay ilaa 70 askari, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.

Horay, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay dagaalka ku dileen ku dhowaad 75 maleeshiyaad Al-Shabaab ah, halka 56 kalena lagu dhaawacay.

Dagaalkan waxaa ka sii horeysay mid 24-kii bishaan Octobar 2026 ay ciidamada Dowladda ee loo diray inay qabtaan degmada Buurhakaba ay kala kulmeen xubno Alshabaab deegaanka Leego, waxayna markaasi sheegtay in kooxda laga dilay tiro 7 xubnood ah, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

Maalmihii la soo dhaafay, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waday qorshayaal dagaal oo ay dooneysay in dib gacanta hay’addaha ammniga loogu soo celiyo maamulka degmooyin dhowr oo ka tirsan deegaannada Koonfur Galbeed oo kooxda Alshabaab gacanta ku dhigteen, halka qeybtooda ay ka soo muuqdeen xoogaga taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Cabcasiis Xasan Laftagareen.

HBN ONLINETV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed