Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, toddoba kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaaceen deegaanka Galgala, oo hoostaga degmada Boosaaso ee gobolka Bari, Puntland.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa lagu kala magacaabaa Naciimo Axmed Jaamac, Ikraan Jaamac Siciid iyo Jaamac Diib Gurxan.
Xasan Muuse, Taliyaha Ururka 44-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay Galgala, ayaa xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo dhaawacyada soo gaaray dadka rayidka ah.
Deegaanka Galgala, oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid xasilloon, inkastoo uu hore u soo maray dagaallo iyo dhaqdhaqaaqyo kooxaha hubeysan.
Duqeyntan cusub ayaa dib u soo cusboonaysiisay walaaca laga qabo xaaladda amniga deegaanka iyo suurtagalnimada weerarro kale oo saameeya dadka rayidka ah.
HBN ONLINE TV

