Shariif Sheekh oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo khasaaraha ciidamada Dowladda

Madaxweyne hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dalbaday in baaritaan madax-bannaan oo hufan lagu sameeyo sababihii ka dambeeyey khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka soo gaaray dagaalladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif ayaa sheegay in khasaaraha soo noqnoqday ee ciidamada uu keenayo su’aalo la xiriira qorsheynta howlgallada, xogta sirdoonka, diyaargarowga ciidamada iyo madax-bannaanida taliska milatariga. Wuxuu sidoo kale ka digay in nolosha askarta Soomaaliyeed lagu khamaaro sida uu hadalka u dhigay, iyada oo dano siyaasadeed ama kuwo gaar ah laga leeyahay.

War-saxaafadeed uu soo saaray oo tacsi ugu diray qoysaska, waalidiinta iyo ehelada askarta ku dhimatay dagaallada ayaa ku sheegay in  ciidamadu ay yihiin hantida ugu qaalisan ee qaranku leeyahay, isla markaana ay mudan yihiin daryeel, ilaalin iyo hoggaan ku salaysan talooyinka xirfadeed ee saraakiisha milatariga.

Sidoo kale, madaxweyne hore Shariif Sheekh ayaa mas’uuliyadda khasaarahaas askarta soo gaaray dusha uga tuuray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu ku eedeeyey inuu ku guuldarreystay sida uu hadalka u dhigay tixgelinta talooyinka saraakiisha khibradda u leh howlgallada milatariga iyo xaaladaha dhulka. Waxa kale oo uu dhaliilay habka loo maareeyo daryeelka iyo darajo-siinta ciidamada, isaga oo sheegay in arrimahaasi ay saameyn ku yeesheen niyadda ciidamada.

Shariif ayaa sheegay inay mas’uuliyad darro weyn tahay in ciidamo loo diro deegaanno ay muddo ka talinayeen Al-Shabaab iyada oo aan si ku filan loo tixgelin xogta sirdoonka, sahanka dhulka iyo qiimeynta khataraha ka hor inta aan howlgallada la bilaabin.

Wuxuu ku baaqay in si madax-bannaan loo baaro sababaha keenay khasaaraha soo noqnoqday, lana caddeeyo cid kasta oo lagu helo dayac ama bixinta amarro ka hor imaanaya talooyinka xirfadeed ee ciidamada. Waxa kale oo uu dalbaday in taliska milatariga laga ilaaliyo faragelinta siyaasadeed ee uu sheegay inay dhaawici karto qorsheynta howlgallada iyo badbaadada askarta.

Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in la dejiyo qorshe qaran oo lagu daryeelayo ciidamada dhaawacma iyo qoysaska ay ka baxaan askarta ku dhimata difaaca dalka. Wuxuu si gaar ah u xusay waalidiinta iyo agoonta ciidamada, isaga oo dalbaday in xuquuqda ka maqan dib loogu soo celiyo qoysaskaas, inkasta oo aanu soo bandhigin cadeymo rasmi ah.

Ugu dambayn, wuxuu carrabka ku adkeeyey in aan la aqbali karin in nolosha dhallinyarada u adeegaysa qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah, isaga oo ku baaqay in mudnaanta la siiyo badbaadada ciidamada, mustaqbalkooda iyo xuquuqda qoysaskooda.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed