Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyey dhinacyada siyaasiyiinta Mucaraadka oo ka kooban : Golaha madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Xisbiga Nabad iyo Nolol, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qayb galaan gogol wadatashi qaran oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho 14-ka illaa 18-ka Nofeembar 2026.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya maanfa , ayaa lagu sheegay in gogoshan looga arrinsan doono arrimaha doorashooyinka federaalka, iyadoo la doonayo in laga gaaro is-afgarad iyo isu-tanaasul.
Casuumaaddan ayaa ku soo aadaysa xilli ay dalka ka taagan yihiin khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Wadatashigan ayaa la filayaa inuu fursad u noqdo dhinacyada siyaasadda si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka dalka.
Weli xubanha lagu casuumay gogosha wadahadalka kama jawaabin bayaanka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya—inkasta oo dhowr jeer oo hore soo xaadireen kulamo lagu marti-qaaday oo ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Sanandkan ayey aheyd markii ay natiijo la’aan ku soo dhamaadeen wadahadalo maalmo socday oo Mucaraaadka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh u dhexeeyey— waxaana dhinacyadu isku eedeeyeen in mid walba uu shirka la yimid qodobo danta guud ka baxsanaa.
HBN ONLINE TV

