Xiisad dagaal oo u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada ayaa ka taagan magaalada xuduudda ku taalla ee Mooyaale iyo deegaanno ku dhow, kaddib muran ka dhashay maamulka magaalada. Xiisadda ayaa sii xoogaysatay kaddib dilka la sheegay in loo geystay gabar 13 jir ah oo lagu magacaabo Diqqoo Jaataan Aagaa, taas oo la dilay 18-kii bishaan Oktoobar 2026.
Sida ay warbaahinta Addis Standard ee Itoobiya laga leeyahay u sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha ammaanka, dagaalku wuxuu billowday waaberigii saaka, abbaaro 5:30 subaxnimo, isagoo ka dhacay deegaanno ay ka mid yihiin Malab, Chamuk (Jaamuq), Bole, Kebele 01 iyo Waqo Dogo. Dagaalku markii dambe wuxuu ku fiday degmooyinka Gumi Eldallo, Wachile iyo Arero ee Koonfurta Oromia, oo ay ku jiraan deegaannada Melka Guba, Melka Adi, Melka Chophi iyo Ela Orbi.
Goobjooge la hadlay warbaahin madax-bannaan ayaa sheegay in khilaafku salka ku hayo muran maamul, isagoo xusay in maleeshiyaad iyo ciidamo gaar ah oo laga soo ururiyey 11 degmo oo Oromadu maamusho ay weerarro ka bilaabeen deegaanno ku dhow Mooyaale, gaar ahaan Jaamuq oo magaalada u jirta qiyaastii 6 kiiloomitir. Waqo Hussein oo deggan Mooyaale, ayna soo xigatay Addis Standard ayaa isaguna sheegay in muranku ka dhashay arrimo la xariira calan loo sameynayey magaalada, dilka gabadha yar iyo warar aan la xaqiijin oo ku saabsan isku day dil oo lala damacsanaa mas’uul magaalada ka tirsan ay qayb ka ahaayeen sababaha sii huriyey colaadda.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 4 qof ay ku dhinteen dagaallada, halka 11 kalena ay ku dhaawacmeen oo dhanka Soomaalida ah, inkasta oo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin tirada khasaaraha. Waxaa sidoo kale la soo sheegay in guryo badan oo ay Soomaalidu deggenayd la gubay, kadib 3 tuullo oo ay weerarradu saameeyeen, isla markaana dadka deegaanka ay barakaceen. Dagaallo ayaa la sheegay inay weli ka socdaan Jaamuq, Baladul Amiin iyo Malab ee dhanka Soomaalida, iyadoo xaaladdu kacsan tahay, isla markaana ay jiraan walaac laga qabo in colaadda ay sii faafto.
Dhanka kale, hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ayaa sheegay in boqolaal qof oo Itoobiyaan ah oo u badan haween iyo carruur, ay u qaxeen gudaha Kenya kaddib dagaallada. Stanley Kamande, oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Marsabit ee Kenya, ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay la joogaan eheladooda iyo dad samafal ah oo ku sugan tuullooyin dhinaca Kenya ee Mooyaale ah.
Laanqayrta Cas ayaa sheegtay inay qiimayn ku samaynayso baahiyaha dadka barakacay, iyadoo aanay jirin xero diyaar u ah inay qaabbisho. Dagaalkan ayaa ka dhacaya koonfurta Itoobiya, meel ka fog gobolka Tigray oo ay ka socoto colaad kale oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo isbahaysi fallaago ah oo uu hoggaaminayo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).
HBN ONLINE TV

