Liibaan Axmed Xasan ayaa ku guuleystay doorashada hoggaamiyaha dowlad goboleedka Galmudug, kaddib markii uu helay 72 cod oo ka mid ah 89-ka xubnood ee Golaha Wakiillada.
Musharraxa kale ee la tartamayey oo ahaa Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye ayaa isaguna helay 14 cod, halka 3 cod ay halaabeen, sida lagu sheegay shaacinta guddiga doorashooyinka.
Labada musharax ayaa kala talayey Xisbiyada Sincad iyo JSP, iyada oo xubinta laga guuleystay oo ah Cabdulqaadir uu aqbalay natiijada doorashada ee ku guuleystay Liibaan.
Natiijada doorashada ayaa muujinaysa in Liibaan Axmed Xasan uu helay taageerada ugu badan ee xildhibaannada, taas oo u horseedday inuu ku guuleysto hoggaanka maamulka Galmudug.
Doorashadan oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa ammaankeeda si weyn loo adkeeyay.
Liibaan ayaa beddeli doona Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoo sidoo kale la sugayo natiijada doorashada hoggaamiye ku xigeenka maamulka Galmudug.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

