Diyaarado aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay duqeymo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka ee Soomaaliya ee deegaannada maamulka Puntland, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo lagu eedeeyay inay waddooyinka ku aasayeen walxaha qarxa.
Sida ay laba mas’uul oo maxalli ah u sheegeen wakaaladda wararka AFP, diyaaradaha Imaaraadka ayaa howlgallo sahan ah sameeyay labadii maalin ee la soo dhaafay, Isniintii iyo Talaadadii, kaddib markii Alshabaab ay weerar walxaha qarxa loo adeegsaday ku qaaday ciidamada Puntland.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ka duulay garoonka diyaaradaha Boosaaso oo Imaaraadku ku leeyahay saldhig milatari ay beegsadeen 4 xubnood oo la sheegay inay ku howlanaayeen aasidda walxaha qarxa ee waddooyinka la dhigo.
Wararka ayaa tilmaamaya in 2 ka mid ah xubnaha la beegsaday ay ku dhaawacmeen duqeynta, halka maleeshiyaad maxalli ah oo goobta gaaray ay markii dambe dileen dadkii dhaawacmay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Sidoo kale. Mas’uuliyiinta ayaa saadaaliyay in maamulka Puntland uu maalmaha soo socda ku dhawaaqi karo guluf cusub oo ka dhan ah Alshabaab. Puntland oo khilaaf culus kala dhexeeyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa badi inta badan arrimaha gobolka maamula.
Xaaladda dagaalka Alshabaab!
Duqeyntan la sheegay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah maamullada dalka ay diidan yihiin qorshayaasha doorashooyinka qaran ee la filayo sanadka soo socda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin duqeynta la soo sheegay.
Dhanka kale, waxaa jira walaac laga muujinayo mustaqbalka iskaashiga caalamiga ah ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kadib markii Mareykanku ku dhawaaqay inuu joojin doono maalgelinta howlgal muhiim u ah saadka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhammaadka sanadkan.
Inkastoo hawlgalladii kala dambeeyay ee Midowga Afrika ay Alshabaab ka saareen qaybo badan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, haddana kooxda ayaa weli saameyn iyo maamul ku leh dhul ballaaran oo miyiga ah, iyada oo dib ula wareegtay qaybo ka mid ah dhulalkii ay lumisay intii ay socdeen howlgalladii ciidamada Dowladda ee sannadihii 2022 iyo 2023.
Duqeynta la soo sheegay ayaa muujinaysa doorka ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo iskaashiga amni ee shisheeye ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, wallow aan weli jirin faahfaahin rasmi ah oo ay dowladda Federaalka ka bixisay dhacdadan.
HBN ONLINE TV

