Qaxooti Yemen ka soo cararay colaadda ka socota oo Soomaaliya soo gaaray

Qoysas ka soo cararay colaadda ka taagan dalka Yemen ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kuwaas oo isugu jira qaxooti u dhashay Yemen iyo Soomaali dib ugu soo laabanaysa dalkooda.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka ayaa sheegtay in qoysaskan ku soo dhaweysay magaalada Boosaaso, iyadoo loo fidiyey adeegyo muhiim u ah badbaadadooda iyo daryeelkooda.

UNHCR Soomaaliya ayaa sheegtay in Qoysaska lagu qaabilay xarunta adeegyada isku-dhafan ee Boosaaso, halkaas oo ay ka heleen adeegyada ilaalinta, diiwaangelinta iyo qiimeynta xaaladahooda, si loo ogaado dadka u baahan taageero gaar ah. Lama sheegin tirada saxda ee dadkan.

Sidoo kale, qoysaska waxaa la siiyey cunto, hoy ku-meel-gaar ah iyo gargaar dhanka gaadiidka ah, si ay si ammaan ah ugu gaaraan meelaha ay u socdaan.

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay sii waddayso taageerada ay siiso dadaallada ay dowladda Soomaaliya hoggaaminayso ee lagu qaabilayo dadka soo galaya Puntland, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada, sharafta iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee qoysaska, laga bilaabo marka ay soo gaaraan.

Soomaaliya ayaa qaabilaysa dad ay colaadaha iyo xaaladaha adag ku qasbeen inay ka barakacaan goobihii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo iyo taageero si ay u helaan hoy, badbaado iyo nolol deggan.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalad Muqdisho laga soo dejiyey 138 ruux oo colaadda Yemen kasoo cararay. Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkan gudihiisa ay dalka dib ugu soo celisay in ka badan 1,500 oo ruux oo duulimaadkii shalay ahaa midka 3-aad.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed