Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo miino oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lala beegsaday gaari rakaab ah iyo mooto Fekon, kuwaa sababay khasare dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa hore ayaa la tilmaamay inuu haleelay Gaariga rakaabka ah oo kasoo baxay Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Baydhabo, waxaana miinadu kula qaraxday inta u dhexeysa deegaannada Waraaboole iyo Doonka. Dad deegaanka ah ayaa sheegay in gaarigu gebi ahaanba burburay, ayna ka badbaadeen oo keliya darawalka iyo haweeney la socotay, halka rakaabkii kale ay dhinteen.
Qarax labaad ee kale ayaa haleelay mooto Fekon ku sii jeedday degmada Afgooye ee isla gobolka, waxaana halkaas ku geeriyooday saddex qof. Ciidamada ammaanka iyo shacabka ayaa gaaray goobaha qaraxyadu ka dhaceen, iyagoo gurmad sameeyay. Deegaannadaas waxaa ka howlgala ciidamada dowladda, waxaana mararka qaarkood weerarro ka geysta Al-Shabaab.
HBN ONLINE TV

